Soomaaliya hanolaato

Soomaaliya hanolaato
Soomaaliya hanolaato

Friday, January 30, 2015

KUMA JIREE KUTLO II SAMEE

Qormadaan la magac baxday kuma jiree kutlo ii samee waxay fikir ahaanteedu igu dhalatay markii laba kutlo oo hore ay samaysmeen ayadoo kutlo kasta ay samaysan keeda sabab u ahayd  markii danahooda ay ka dhex waayeen xukuumadda.
Waxaana sii xoojiyay qorista qormadaan markii maanta ay samaysantay kutlo ama urur kale oo xildhibaano ku midaysan yihiin siday sheegeena danta umadda ay rabaan inay wax u qabtaan laakiin meesha dan shacab aysan ooline waxa loo socdaa ay tahay dana gaar ah iyo xukuumadda igu dar.
Hadaba waxaan rabaa inaan dib u fiirino kutlooyinka hadda jira xilligii ay samaysmeen sababaha keenay samaysankooda iyo mid waliba danta laga lahaa.
1.    KUTLADA BADBAADO QARAN
Kutladaan waxaa ka dambeeyay samaysankeeda markii xildhibaanada qaar ka mid ah ay sheegeen inay mooshin ka keenayaan xukuumaddii Cabdiweli Sheekh ayaa wasiiro xildhibaano ahaa iyo qaar ka mid ah baarlamaanka ay samaysteen ururkaas loogu magac daray  badbaadinta qarankan laakiin looga dan lahaa badbaadinta Cabdiweli Sheekh.
Ayadoo looga dan lahaa xubnihii markaas xilka wasiirnimo hayay ama wasiiro ku xigeen inay xilkooda sii adkaystaan ayna kursiga ku celiyaan raiisulwasaare Cabdiweli Sheekh, kutladaas xubnihii ku jiray waxay dhawr jeer is hor taag ku sameeyeen kulan uu baarlamaanku lahaa oo la rabay in mooshinka ka dhan ah Raiisulwasaaraha loogu qaybiyo xildhibaanada.
Waxay gaareen heer ay buugii xaadirinta xadaan oo asagii dhan la waayay waxay kaloo sameeyeen inay buug kaloo la keenay jeexjeexaan waxay soo qaateen firinbiyo iyo boorar ay ku qoran yihiin hal haysyo kala duwan.
Hadaba suaashu waxay tahay qofkii wax diidaniba hadduu buuq iyo qaylo kiciyo side baarlamaanku rabaa inay dadka wax ugu qabtaan, tan kale oo meesha taala waxaytahay markii arin la isku qabsado oo la rabo in lagu kala baxo shaciga sida dastuurku qabo waa in cod loo qaadaa.
Hadaba xubnaha baarlamaanka ee ku jira kutlada badbaado qaran waxaa 80 ama 82 xubnood sida ayaguba ay sheegeen marka haddii fikirkii ay aaminsanaayeen oo ahaa codka kalsoonida inay siiyaan raiisul wasaare Cabdiweli lagu raaci waayo oo baarlamaanka intiisa badan fikirkaas ay kasoo horjeysteen waa inay raacaan meesha loo badan yahay.
Markii la joogo baarlamaanka dhexdiisa waxaa lagu dhaqmaa sharciga ah “Majority leads minority”  oo ah meeshuu codku u bato waa in la raacaa laakiin kutlada magaceeda ka dhigatay badbaatinta qaranka waxaad moodaa inay arintaas ag mareen oo ay fiirsadeen go’aankii ay rabeen in baarlamaanku qaato waxayna qas iyo hor istaag ku sameeyeen kulankii baarlamaanka iyo danihii umadda,
Waxay kaloo caqabad ku noqdeen in cod la qaado iyo in qof waliba wuxuu rabo uu soo bandhigo laakiin maalmo kadib waxaa mooshinkii loo qaybiyay baarlamaankii ayadoona codka kalsoonida laga laabtay raiisul wasaare Cabdiweli Sheekh

2.    KUTLADA TOOSINTA TALADA QARANKA
Kutladaan lagu magacaabo toosinta talada qaranka waxaa hor kacaya wasiiro ka mid ahaa xukuumadihii hore waxayna samaysantay kadib markii wasiiro ku jiray xukuumadda Cabdiweli sheekh una ololaynayay in codka kalsoonida lagala laabto xukuumadaa ay kasoo mid noqon waayeen xukuumaddii ku xigtay.
Wasiirada iyo xildhibaana kutladaan ku jira waxay dadaal badan ugu jireen rididdii xukuumaddii hore waxayna filayeen in xukuumadda cusub ay kusoo laabtaan laakiin markii laga soo tagay waxay ku dhawaaqeen kutladaan oo loogu tala galay inay waxay raban ay helaan ama mucaarado kala hor yimaadaan xukuumad walba.
Haddii xilka wasiirnimada ama wasiir kuxigeenku uu saan u macaan yahay oo la’aantiis mucaaarado la samaynayo maxaad u malaysaa in xilka raiisulwasaaruhu leeyahay haddiise wasiirnimadaadii ama wasiir ku xigeenkaagii aad iguba gacantaada ku dumisay codkii kalsoonidana iskala laabatay yay tahay cidda kusoo magacaabaysaahi oo hadana beri aad codka kalsoonida kala laabanaysid raiisulwasaaruhu miyuusan ogayn siyaasaddii hore mise qasab ayaa meesha jira.
Kutladaan haday tahay mid qaranka toosinaysa waxaa looga baahnaa in mar hore lagu dhaqaawo maxaa yeelay qaranka soomaaliyeed maanta ma qaloocan ee horuu u qaloocnaa ee kutlo laga leeyahay dana shaqsiyadeed yaan shacabka soomaaliyeed looga dhigan mid wax u qabanaysa 

3.    MADASHA (KUTLADA) MASLAXADA GUUD
Waa madashii ama kutladdii sadexaad oo ay samaystaan  qayb ka mid ah baarlmaanka soomaaliyeed ayadoo lagu raadinayo danaha xubnaha kor kacaya kutlada oo ku gorgortamaya in ay xil ka helaan xukuumadda cusub ee dhawaan la magacaabay oo ayleeyihiin hadaan iska waynay waa inaan mucaaradnaa.
Kutladaan waxaa hor boodaya xildhibaano wasiiro kuxigeeno qaarkood ay ka ahaayeen xukuumaddii raiisuwasaare Cumar Cabdirashiid uu la laabtay taasoo markaas caqabad ay kasoo wajahday labadii kutladood ee markaas jiray waxa taageersanaana ay ahaayeen xildhibaanadii xilka ka hayay xukuumadaas iyo in yar oo lilaahi iska ahaa.
Kutladaan cusub waxa keenay inay samaystaan ururkaan waxay tahay xilka loo magacaabay laakiin aysan calfane baarlamaanku ka kala tuuray sidaas darteed ayaguna waa inaymaarkooda kala tuuraan wixi dantooda ay ka waayaan soomaalina ilaahey ayaa u maqan.

GUNAANAD
Kutlooyinkaan iska soo daba dhacaya ee xildhibaanadu ay samaynayaan waxaa ay sharaf dhac u keenaysaa baarlmaanka soomaaliyeed oo kooxdii maslaxadeeda ka waysaba way samaysan doonaan waxay kaloo muujin doonaan ugu dambeyn inay yiraahaan danteenu hadaysan meesha ku jirin kutladeenuna waa diiday.
Taasna waxaa tusaale u ah dadka kutlooyinka ku jira ee waliba hogaaminaya haddii laga dhigo wasiir waxaa cad inaysan diidayn ee ay kutlada haddii xataa ay kala diri karaan way isku dayayaan inay burburiyaan
Tan kale baarlmaanku asagaaba kutlo ah oo hal koox ah marka wax aan ku qornayn dastuurka oo aan sharci ahayn meesha hala daayo baarlamaankuna ha ogaado inuu shacabka malato marka danta shacabka ha eegaan haddii ay sharaf ka rabaan bulshada ay matalaan taasi dhib inay ku tahayna waaba iska cadahaye.
Waxaan kusoo gabagabayna kutlo badatay kurbo shacab waxaan ahayn masoo kordhinaysee baarlamaanku haka waantoobaan

Mohamed Deik Tako

Deeqaxmad15@hotmail.com

Monday, January 26, 2015

Hadaad afar keento kalsooni helimaysid

Nin aan sxb nahay ayaa maalin ii yimid waxaana uu I waydiiyay
Xukuumaddii Cabdiweli Sheekh ee la riday iyo tan lasoo magacaabay waaba isku egtahay maxay tahay?
Anoo og inay isku egyihiin laakin meelo badana ay ku kala duwan yihiin oo raga  cusub ay ku soo biireen ayaan iri:
Qabqableyaal baan ka qaylinaynaye
Wallee qowlaysataa qaranka soo galay
Isla maalintii ayaa qayb ka mid ah baarlamaanka oo shiray waxay isku raaceen inaysan codka kalsoonida siin doonin maadaama rag aysan rabin meesha ay ku jiraan hada saaxiibkey waa iisoo noqday wuxuuna i waydiiyay odayaasha waa lagu dhaganyahaye maa naga soo badashaan? Asagoo waliba qosol sii raaciyay
Waxaan ogaa in wasiirada la diiday ay ahaayeen kuwa xaga madaxweynaha ka socda qaarna ay saaxiib ahaayeen waxaan kaloo ogahayba in madaxweynaha saaxiibadiis si looga soo tagaa ay adagtahay oo ay ka sahlan tahay in raiisul wasaaruhu tago markaasaan waxaan saaxiibkeey ku iri:
Odayaasha qabiiladu hadaysan ka qalayn
Wallee qaxar iyo dhib iyo qalalaase waa kow
Arintuna wax badan ayay isla sii jiitami doontaa ragaas in lasoo celiyana wax badan waa laysku dayi doonaaa
Maalmo kadib markii hadana wasiiradii dib loo celiyay ayaa waxaa hadana ii yimid saaxiibkey wuxuuna igu yiri markaan ka waran hee maxaa filee?
Anoo filaaya xukuumad fiican iyo isbedel ayaan isla markiiba waxaan ugu jawaabay:
Mid kheyr qabtaan qiyaasaynaaye
Illaahow khilaaf iyo dhib naga qabo
Arintaas aniga iyo saaxiibkey na dhex martay kadib waxaa igu soo dhacday qormadan

Hadaad Afar keento kalsooni helimaysid
Qormadaan la magac baxday “hadaad afar keento kalsooni heli maysid” waxaa igu dhaliyay markii uu batay is qabqabsiga u dhexeeya xubnaha golaha shacabka oo diidan in qaar ka mid ah wasiiradii hore ayna ku eedaynayeen inay madaxweynaha saaxiib la yihiin iyo Raiisulwasaare Cumar Cabdi rashiid oo asna soo magacaabay xubnihii la diidanaa.
Murankaasi wuxuu keenay in wasiiradii lasoo magacaabay intii aan lagayn baarlamaanka hortiisa codka kalsoonidana loo qaadin, inta hoteel lagu kulmay aysan ayagu joogin codka loogu qaatay kadibna markii raiisulwasaaruhuna arkay in cod kalsooni uusan usoo socon uu ku dhawaaqay in uu dib u celiyay golihii wasiirada oo uu soo dhisay.
xukuumaddaas oo ka koobnayd ilaa lixdan (60)  isugu jira raisulwasaare kuxigeen, wasiiro, wasiiru dowlayaal iyo wasiiro kuxigeen waxay sababsadeen oo daraadood dib loogu celiyay afar ruux oo wasiirada lagu daray kuwaas oo inta badan xubnaha golaha shacabku ay diidmo ka muujiyeen.
Haddii la diiday maxaa xukuumadda kale loo kala diray?
Ayaga uun maxaa diiday in la badalo si waqti kale uusan nooga lumin xulashadooda?
Ma dhici kartaa in loo taabushaysanayo in wasiiradaas dib loosoo celiyo xubnaha golaha shacabkana laga dhaadhiciyo inay ogolaadaan?

Kooxaha (Kutlooyinka) soo kordhaya
Khilaafkii u dhexeeyay madaxweyne Xasan Sheekh iyo Raiisulwasaarihii hore Cabdiweli Sheekh waxaa ka samaysmay koox (kutlo) la magac baxday badbaado qaran kuwaas oo ay ku jireen ilaa 80 xubnood oo ka mid ah xubnaha golaha shacabka oo diidanaa in la rido raiisulwasaare Cabdiweli waxay dhawr jeer is hortaag ku sameeyeen kulankii baarlamaanku ay yeelanayeen iyo in baarlamaanka loo qaybiyo mooshin laga keenay xukuumaddii Cabdiweli taasina waxay keentay in qaadistii codka kalsoonida aydib u dhacdo ayadoo markii dambe la qaaday.
Badbado qaran waxay abuureen isku duubni iyo inay qaataan hal go’aan taasoo culeys ku noqonaysa meeshii ay kasoo horjeestaan ayagoona diidmo ka muujiyay xukuumaddii markii dambe lasoo dhisay.
Markii xukuumaddii lasoo dhisay kadib waxaa kaloo dhashay urur kale oo magac ka dhigtay toosinta talada qaranka waxaa sidoo kale ku jira xildhibaano ay wehlinayaan wasiiro ka mid ahaa xukuumaddii Cabdiweli  kujiray, wasiiradaas qaarkood waxay olole ugu jireen riditaanka xukuumaddii ay ayaguba ka tirsanaayeen oo sababtana ay ku sheegeen in aysan wada shaqayn Karin iyaga iyo raiisulwasaaraha.
Markii xukuumaddii dhacday malaha waxay filayeen inay ayagu soo noqon doonaan oo Cabdiwali uun tagi doono laakiin waxay noqdeen kuwa saaxiibkood la baxa booskoodana lagu badalo akhyaar kale laakiin taasi waxaykeentay inay canqi waayaan ururna ay samaystaan.
Sheekadu waxay maraysaa cadkaanoow ama ku cunay ama ku ciideeyay, waa ama wasiiroow ku helay ama mucaarado kugu kiciyay.
Laakiin suaasha meesha taalaahi waxay tahay nin xilkiisii maalin cad yiri waan iska dhiibayaa haddii laga guddoomay qof kalena loo dhiibay maxay dooddu tahay?
Gunaanad
Aniga ahaan waxaan fikir qabaa baarlamaanku arinta ay sameeyeen ee is hor istaaga ah ee qaar ka mid ah wasiirada haday ula jeedaan ayna u arkeen inay xal u tahay dalka iyo dadkaba waa arin fiicane hasii wadaan yaysana go’aankaas kasoo jilcin laakiin haddii arintu tahay aan wasiiro helno ama sidii horey loogu eedayn jirayba inay codkooda lacag ku badashaan waxaana leeyahay  arintaas ka tanaalusa wadanka xalkiisana fiiriya ee ha fiirinina raga xilka loo dhiibay iyo sababtaad adigu ku heli wayday.
Waxaa kaloo jirta in la leeyahay wasiiradii la diiday ayaa lasoo celinayaa oo xilkoodii ayay lasoo noqonayaan taasina waa waqti lumis oo horey in loo socdo ayaa malaha la diidan yahay iyo in 2016 inaanba doorasho xor ah la gaarin lagana yaabo in iska daba wareeg lagu dhamaysto si waqti kororsi loo dalbado ama codka baarlamaanka loo gato.

Mohamed Deik Tako