Soomaaliga oo qoraal ahaan
liita hadal ahaana sii lumaya waa qormada aan wax ka qoray, waxaad moodaa inuu
jiro hoos u dhac wayn oo ku yimid afkeenii hooyo ee Soomaliga ahaa, taasna
waxaa keenay sababo badan laakiin intaanan u gudbin horta qoraal xumada jirta
iyo dhawaqa qaldanba aan tusaaleyaal usoo qaadano iyo meelaha uu ka jiro hoos u
dhacu
Qaabka qoraalka qaldan
Markii la yiraah farta
soomaaliga sidii loo qori lahaa ayaa qof soomaali ah ka qaldan qof aan
qaladkaas arkin ma aamini karo laakiin markii laguu muujiyo waa wax aad ku
qancayso arkaysana inuu yahay qalad muuqda laakin aan lagu baraarugsaneen
Waxaa jirta erayga oo laga
qaldaayo xarfaha laban laabma tusaale ahaan erayga Dabbaal (nacas) waxaa ku jira xarafka D oo laban laaban haddii marka xarafkaas hal laga dhigo waxaa is
badalaya dhammaan erayga dhawaq iyo micno ahaan oo waxaa uu noqonayaa Dabaal (bada oo lagu badaasho)
Micnaha Soomaaliga oo qaldan
Erayo badan oo soomaali ah oo
waxaa jira micnihii ay lahaayeen laga badalay loona isticmaalo meelo aysan
lahayn micno qaldana la saaray ayadoo uu kusoo badanaayo afkeena erayada
micnohoodii hore iska badalay oo jiilkeena cusubi sida kale ubaranaayo
Maxaa keenay hoos u dhaca luuqadeena
1. Luqadaha wax barasho
Sabab ka mid ah kuwa ugu
muhiimsan oo keentayin luuqadeena hoos u dhac uku yimaado waxay tahay luqado
ajnabi oo wax lagu barto, taas badalkeeda waxaa luqadeena laga dhigay hal maado
oo laga qaato casharo kooban ayadoo macalinka dhigayana badanaa uusan
qibrab fiican u lahayn soomaaliga haday
ahaan leheed naxwihiisa iyo suugaantaba
Waxaa I cajab galiyay qormo
laga diyaariyay iskuulada Afrika oo la ciqaabayo ardaygii ku hadla luuqadiisa
hooyo, ardada ayaa Ul iyo ciqaab kale la isugu daraa haday ku hadlaan luqad aan
ahayn midda ay wax ku bartaan oo ah tii gumaystaha, qormada waxay soo qaadatay
arday u dhalatay Uganda oo inta jawaan madoobe khamiis oo kale loo tolay loo
galiyay banaanka la taajiyay lana yiri meeshaas ayaad taagaanaysaan illaa
ardada dhan idinku soo marto
Annagu heerkaas ma anaan
gaarin oo wali macalimiinteenu waxay wax ku sharaxaan waa luuqadeena laakiin
saas oo ay tahay ayaa waxaa kasoo dhexgalaayo erayo badan oo ajnabi
2. Soomaalida oo qaxooti
noqotay
Qoxootinimada
soomaalida ee wadamo kala duwan waxay keentay in ay lasoo laabtaan luuqado kala
duwan ayadoo ilma badan oo qurbaha ku dhashayna aysan xataa ku hadalka afka
Soomaliga hayn, hooyadii ilmaheeda inay ku hadlaan af Soomaaliga ilmeheeda
barta waaba dadaashay maxaa yeelay deegaanka ayaan u saamaxayn inuu qoraalka
barto soo laabashada qurba joogtaasna waxay wadanka kusoo kordhisay luuqad
xumadii haysatay inay dadkii kale gaarsiiyaan, oo qofkii uu afsoomaaligii
hadalkiisa iska daayo waa qofkii awooda si qurba joogtaas uu ula sheekeysto.
Saamaynta uu reebayo
Afkaagii hadaad ka tagto ood
qaadato ku’ kale waxaan cidna diidayn in
uu imaanaayo is badal badan ha ahaato luuqaddii aad ka tagtay ama tan cusub aad
u wareegtay hadaba saamayn ka imaan kara waxaa ka mid ah
Dhimasho luuqadeed
Luqadda Soomaaliga waa soo
jireen oo markii soomaaliyi soo billaabatay waa lagu soo hadli jiray laakiin
mar dhexe waxaa kusoo biiray in la qoro farta Soomaaliga, haddii sidaan aay
kusii socoto afafka qalaadna ay kusoo bataan luuqadeena waxay keenaysaa in
luuqaddii ay d himato xaq qoraal iyo mid hadalba, gabi ahaan lumi mayso laakiin
waxay inta badan noqon doontaa afaf kale oo aan hadda kujirin in lagu soo daro
waxaa sidoo kale hoos ku dhac uu ku imaan doonaa qaabka qoritaanka farta.
Dhaqan lumin
Qolo walba dhaqankeeda waxaa
laga gartaa uuna ka dhex muuqdaa afkeeda iyo luuqadeeda haddii labadaas ay
lumaan oo is bedel uu ku yimaado waxaa dhacaysa in dhaqankiina si taas la mid
ah is bedel ugu yimaado,
Waxaa kaloo dhaqanka kor u
qaada qoritaanka iyo samaynta meelo lagu soo bandhigo haddii qoraalkii farta aysanba jirin ama
yartahay goormay imaanaysaa in dhaqan la qoro?
Anoo ka walwalsan arintaas iyo
saamaynta ay nagu yeelan doonto una jeeda xaaladda jirta ayaan dhawr su’aalood
iswaydiiyay kuna cabbiray qaab suugaaneed.
Soomaaligii meeh?
Aaway sadaradiisii?
Sugaantii wacnayd
Dunida uga soocneen
Yaa sal guurshay oo tiray ?
Hadalkii silloonaa
Sarbeebta lagu dari jiray
Zamanadaan ma haynee
Sababaha afkeenii
Suuraddiisa dhalan rogay
Dadow saaka ii sheeg.
Mohamed
Deik Taako
Wixii afkaar iyo talo ah fadlan iigu soo
dir
Email:deeqaxmad15@hotmail.com
No comments:
Post a Comment