“Waxaan damcay inaan guursado laakiin qarashkii aan
filaayay inuu guurku noqon doono ayaa ka badan labanlaab noqday” waa qiso ku dhacday
wiil guurdoon ahaa laakiin hadda guurkii awooddu u diiday.
Qiimaha lacageed ee laysku guursado Soomaaliya ayaa cirka
usii socda ayadoo waxtarka faa’iido ee kasoo baxaya ay tahay ama la mid tahay
tii horay looga heli jiray oo kaliya oo aysan wax ku siyaadin, hadaba hadaysan
faaiidadu is badalin maxaa qarashka badiyay?
Maxaa
keenay qiima korora Guurka
Qiima kororka guurka ee dalkeena waxaa keenay sababa badan
oo ay ka mid yihiin
1. heerka wax barasho
heerka wax barasho ee shaqsiyadeed waxay siyaadineysaa
hamiga qofka iyo tartanka uu kula jiro dadka la heerka ah, tusaale ahaan qof
jaamacad ka baxay wiil ama gabar mid waliba wuxuu jecelyahay in guurkiisa ay ka muuqato sharaf iyo faan iyo
inuu asxaabtiisii hore oo guursatay uusan ka liidan tabartu meelay gaysaba inuu
rafanaayo qarashna galayo waa hubaal, taasi waxay keenaysaa in aqal wayn la
sharaxo alaab badana laga soo buuxiyo aroos heer ahaan sareeyana la dhigo
haddii Hoteel la awoodi waayo xataa guriga kan lagu dhigayo waa ka muuqataa in
qarash fara badan la galay.
2. Adkaynta reerka
Sida ay qabaan dad badan oo guurka qaaliga ah taageersan
waxay leeyhiin haddii ninku guurka marka hore uu ku galo lacag badan waxay ay
taasi adkaynaysaa dhidibada reerka iyo waaritaankiisa, markasta oo qarashku
bato ninku kuma fududaanayo in si sahlan uu inantuu qabo ku furo maxaa yeelay
waxaa mar kasta uu soo xasuusanayaa qarashkii ka baxay ee faraha badnaa taas oo
laga yaabo inay keento isku waaritaan ama ugu yaraan inay labada qof isku
daahaan. Taas micneheedu miyaa in labadii qofee qarash yar isku guursada inay
kala tagayaan? Anigu saas u malayn maayo.
3. Soo rogaal celinta qurba joogta
Soo laabashada Soomaalida qurba joogta ah iyo guursigooda
hablaha Soomaaliya ku nool waxay caqabad ku noqotay dhalinyaro badan oo
waligood aan Soomaaliya dhaafin iyo kuwa meeshii ugu fogayd ee ay tagaan ahayd
wadamada Bariga afrika, dhalinyaradaas badankood lacag badan oo Hoteel ay aroos
uga tuntaan ma haystaan kan ugu fiican waa shaqaale mushaari ah badankoodna
waxaa ku xariira qoys iyo qaraabo in kastoo qaar waalidkiis ay ladan yihiin ay
jiraan laakiin inta loo baahan yahay ayaa ka badan.
Qurba joogtu badankood waa niman da’doodu u dhexeyso 35 jir
iyo wixii ka wayn inta badan waa rag xaas hore lahaa baankoodna ay dibadda u
dagan tahay magaalada waxay u yimaadaan inay siyaasadda Soomaaliya galaan oo ah
meesha qurba joogta laga xiiseeyo kadib waxa u xiga waa inuu guursado gabar, Si
dhib badan iyo diidmo uusan ula kulmin waa inuu jeebkiisa furaa qarash badana
uu quuraa si gabar uusan horey usoo shukaansan lagana yaabo xattaa inuusan arkin
uu u helo.
Gabadhuhuna ayagoo qurba joogta u aragta fursad una maleeya
isha dhaqaalaha ay ka heli lahayayd waxay ku xirayaan lacag badan, guri qaali
ah aadna loo camirayo iyo in arooska laga dhigo Hoteel ninkuna taas waaba uu
sugayay maxaa yeelay meesha uu ka yimid heerkaas oo kale ayaa laysaga
guursadaa, taasina waxay keentay inuu siyaado damacii haweenka oo mid waliba ay
ku fakarto saaxiibtaa guurkeeda oo kale waa inaad heshaa ayadoo is waydiin qof
waliba inuu qurba jog yahay iyo inuu jeeb buuran yahay.
4. Heerka nolosha
Sida caadiga ah dadku waa kala duwan yahay waana kala heer
mid walibana waxaa uu ku noolyahay dabaqad gaar ah waa kuwa ku nool heer sare,
kuwa dhexe iyo kuwa ku nool heerka ugu hooseeya oo dad ku noolaado oo waaba kuwa
dagaal kula jira noloshii oo wixii lagu noolaan lahaa ayay daal iyo dhib badan
u maraan guur qaali ahna maba ahan tabartooda.
Ayadoo saas ay tahay ninkii raba inuu ka guursado qoys
noloshoodu tahay heer sare la qarash maahan kan raba inuu ka guursado reer
dhexdhexaad ah ama ku’ hooseeya nolol ahaan, qoyska nolol sareeya gabadhooda
waxay u rabaan nolol la mid ah tan ay ayagu ku nool yihiin oo waalid raba ma
jiro gabadhoodu inay nolol tay kusoo koriyeen ka liitada ay gasho, taasi waxay
keenaysaa qiimaha guurku inuu sii siyaado oo ninkaas sidaas ku guursaday asna
waxaa gabadhiisa lagu guursan doonaa qarash ugu yaraan kii asaga ka baxay oo
kale ah.
5. Garaadka haweenka
Markii ay siyaado da’da gabadhu ayna hesho ilbaxnimo iyo
fahan badan oo xagga nolosha ah ayna daawato aflaam u badan kuwa jaceelka waxay
arkaysaa ayna ogaanaysaa waxyaabo badan oo aysan ogayn gabadha da’ ahaan ka yar
ayada, taasina waxay sabab u noqonaysaa inay yeelato baahi ka saraysa kuwa kale
ayna sabab u noqoto qarashka guurka oo ninka ku bata iyo in xataa ayada
guurkeedu uu daaho ayna si sahlan u heli wayso qof baahideeda badooli kara ama
mid ay ku qanacdaba.
Maxaa
ka dhasha guurka Sareeya
Aroosku hadduu qaali noqdo cid kastana ayku dhiiran waydo
taas waxay keenaysaa in dhalinyaro badan ay dhaqaale xumo u guursan waayaan taasna
waxaa ka dhalan kara waxyaabo badan oo raad reeba waxaana ka mid ah
Faafida
xumada
Haddii guurku qaali noqdo sababna ay u noqoto in guurku
yaraado waxay noqonaysaa in dadku ay si xun wax u raadiyaan taasna ay keento
inay xumaantuna bulashadaas ku dhex faafto.
Waxaa siyaadaya geerashaynta ama tumashada sababtoo ah
qofka waxaa ku abuuran dareen iyo baahi haddii uu wanaag ku waayana laga yaabo
inuu sida uu wax ku heli karo uu ku raadsho.
Taranka
oo yaraada
Haddii dhalinyaradu aysan ku guursan waqti hore oo ay ka
daaho xilliga guurku siiba gabdhahaoo waqtigoodu iska kooban yahay waxay taasi
keenaysaa in tarinkii uu yaraado “xadiis
nabiga laga wariyay ayaa micnihiisuahaa guursada naagaha dhalmada badan jaceelkana badan” taas waxaa looga dan leeyahay in markii
maalinta qimaayo la tago ay umaddeenu noqoto tan ugu badan umadaha tiro ahaan
laakiin waxaad moodaa taas inaan la dhaqan galin oo laga yaabo in wiilku
guursado gabar ay ku harsan tahay dhawr da’ oo kaliya.
Talo
ahaan
Waxaan kula talin lahaa dhammaan dhalinta aan guursan ee
gabdhaha ah inta aysan guurkeeda meel ku jaan goyn ay marka hore fiiriso ruuxa
ay rabto inay guursato heerkiisa iyo awoodiisa, taas micneheduna waxay tahay “jeebka saaxiibkaa eeg intaadan guurka magaalada
ka jira fiirin”
Mohamed
Deik Taako
Wixii afkaar iyo talo ah fadlan iigu soo
dir
Email:deeqaxmad15@hotmail.com