Waxaa soo gabagaboobay tartankii degmooyinka gobolka Banaadir, Balcad iyo Warsheekh taas oo koobkii ay kooxda Hawlwadaag ku guulaysatay kadib markii ay 2-1 uga badisya kooxda ka socotay Warsheekh ee Shabeelaha dhexe.haddaba waxaan rabaa inaan qormadaan uga hadlo tartanka iyo wixii guulo laga gaaray ama wixii gaabis jiray. Waxaan sidoo kale qodobayn doonaa ujeedooyinka tartanka iyo in yoolkii laga lahaa laga gaaray. Tartanku waxaa lagu magacaabay “Tartanka degmooyinka gobolka Banaadir” laakiin waxaa ku jiray laba koox oo ka socotay Shabeelaha dhexe, ma hubo waxa labadaas koox lagu soo xulay oo degmooyin ka sokeeya sida Afgooye aan tartanka loogu soo darin laakiin waxaan rajaynaa in saxaafaddu ay arintaas baaritaan ku samayn doonto.
Ujeedooyinka ugu muhiimsanaa ee qof waliba madaxa ku haayay waxaa
ka mid ah:
1.
Soo saarista ciyaaryahanno Mustaqbal leh:
mid ka mid ah ujeedooyinka ugu waaweyn ee loo qabtay tartanka iyo natiijada
laga filaayay waxay ahayd in ay kasoo baxaan ciyaaryahanno da’yar kuwaas oo
anfaca horyaalka dalka iyo qarankaba, taasina waxay ku suurtoobi lahayd in
ciyaartooyda laga soo xulo kuwa iskuulada u ciyaaraayay ama horyaalada xaafadaha
ciyaara lana siiyo fursad ay kusoo bandhigaan xirfaddooda, laakiin su’aashu
waxay tahay hadafkaas mala gaaray?
Haddaba haddii aan fiirino ciyaaryahonnada tartanka
ciyaaraaya waxaa muuqata in ciyaartooy cusub oo badan aysan kasoo bixi doonin
sababahaan dartood:
B. In fursaddii la siin lahaa ciyaartoyda gobolka Banaadir si
ay xirfaddooda u muujiyaan aysan helin sababtoo ah inta badan degmooyinku waxay
ciyaartooy kala yimaadeen kooxo ka dheela horyaalada kala duwan ee maamullada
dalka, ciyaartoydaas markii tartanku dhamaado waxay sida caadiga ah ugu laaban
doonaan goboladoodii kii xirfad ahaan fiicanna ma ogola inuu naadiyada waaweyn
u dheelo kaliya wuxuu gaadaa tartanka degmooyinka oo uu ka helo lacago ka badan
inta la siiyo kuwa la midka ah Muqdisho laga soo xulo. Arintaan waxaa
caddaynaaya muuqaal laga soo duubay mid kamid ah kooxda Hawlwadaag o oleh
“waxaan haysanaa koox Seera A ah warsheekhna hal qof kuma jiro” waana sida
saxda ah.
T. Waqtiga diyaar-garoowga oo gaaban dartiis degmooyinku
fursad uma helin inay ciyaartooy badan oo reer Banaadir ah aruuriyaan kadibna
kala xushaan, aalaaba waxaa isku aadka degmooyinka iyo xilliga tartanku
billaabanaayo la shaaciyaa mar ay ka dhiman tahay inta u dhexeysa bil illaa
laba bil waana waqti aad u gaaban markii loo fiiriyo degmooyin laga rabo inay
ciyaartooy kala xushaan, aalamiito sameeyaan, ciyaaro tijaabo ah dheelaan.
Waqtiga gaaban wuxuu keenay in maamulka ciyaaraha degmooyinka aysan waqti galin
in coyaartooy yaryar oo xirfad leh aysan ka raadin gudaha gobolka laakiin taas
badalkeeda ay kuwa horyaalada Somaliland, Puntland iyo Jubaland illaa kililka
shanaad ka dheela ay keensadaan in kastoo degmooyinka qaar ay ciyaartooy reer
Banaadir ah u ciyaarayeen laakiin intoodii badneyd waxay ku hareen wareega
koowaad.
J. Maalgalin la’aanta xiriirka ee tartanka iyo qoondo
la’aantu waxay keeneen in degmooyinku awoodi waayeen in ay ciyaartooy degmadu
leedaha ay diyaariyaan, tababaraan iskuna haayaan taasina waxay meesha ka
saartay in degmooyinku yeeshaan koox isku dheelitiran, xirfad leh oo is ciyaar
taqaan.
2. Kor u qaadidda dhaqanka: maadaama aan nahay ummad
muslim ah oo diin iyo dhaqan leh waa muhiim in dadkeenana laga arko
muuqaalkooda iyo ficiladooda, markii garoonka la joogay waxa ay kaamirooyinku
soo qabteen muuqaalo aan dhaqan ahaan iyo diin ahaanba fiicnayn, waxaa la
arkaayay gabdho isku niikinaaya, sidoo kale wiilal timaha kalaro u marsan
yihiin, taageerayaal waraysiyo bixinaaya oo hadallo aan anshax ahayn ku
hadlaaya. Inkastoo aysan dadku u arkin arrin culeys leh laakiin waxay sawir
qaldan ka bixinaayaan nuuca dadka aan nahay waxayna barbaarin qaldan u tahay
caruurteena yaryar. Taas badalkeeda waxaa qummanayd in degmo kasta galabta ay
dheelayso ay soo bandhigto waxyaabaha goonida u ah ee dhaqan ama dhaqaale ay u
leedahay, Xamarweyne oo kale waxaa lagu yaqaan kalluun waxayna soo bandhigi
kartaa kalluunkeeda. Degmooyinka qaar waxay leeyihiin xarumo iyo astaamo
taariiqi ah middaas ayayna lasoo shir tagi lahayd taas oo dadka bari lahayd
degmo walba iyo waxa ay gooni ugu faanto loomase arko arrin muhiimad leh.
3. Muujinta amniga caasimadda: Ciyaaruhu waxay qayb
ka yihiin muuqaalada wanaagsan ee laga dheehanaayo isbedellada nabadda ee
caasimadda taasina waxay ahayd in laga arko laakiin markii si hoose loo fiiriyo
waxaa laga dheehan karaa in amni daro ay dhawr meeloodba ka jirtay
B. Amniga gudaha garoonka: marka aan la iska
indha tirin xaaladda amniga garoonka aad ayay u liidatay oo halis badani uga
jirtay in kastaa maalmihii dambe la yara xakameeyay laakiin mar walba halistaas
waa jirtay. Waxaa garoonka lagu arkaayay dhallinyaro tooreeyo wadata oo
muuqaalo iska dhuubaaya ayagoo waliba tooreeyo isku caalinaaya naftoodana halis
galinaaya, sidoo kale waxaa markale la arkay askari qorigiisa ciyaal u dhiibay
si ay muuqaalo isaga duubaan, taas oo sababi kartay halis weyn sababtoo ah haddii
xabado fakadaan waxay keeni kartay in dad badan ku waxyeeloobaan. Dhibaatada
kale ee garoonka ka jirtay waxay ahayd in weero laba safle ah ay marar badan ka
dhacday gudaha garoonka waliba ayadoo cayaartii socoto, dad badan oo garoonka
joogay waxay awoodi waayeen in si nabad ah ay cayaarta ku daawadaan.
T. Cayaarta kadib: markii cayaarta laga soo
baxo waxaa caado noqotay in waddooyinka garoonka looga soo baxo la isku
weereeyo oo galab walba koox iyo koox loo kala baxo ayadoo dhibaato ay kasoo
gaarto dadka garoonka kasoo baxay iyo gaadiidka waddada isticmaala taasina
waxay iska noqotay sidii kulamo is ballansi ah oo cayaarta markay soo dhamaato
la cayaaro.
Guud ahaan amniga gudaha garoonka iyo bannaankiisaba waxaa
ka muuqatay inaan xoog la saarin oo sidii horyaalkii caadiga ahaa oo kale loo
wajahay ayadoo tirada daawadayaasha iyo xasaasiyadda degmooyinka kala duwan aan
la tixgalin.
4. Musuq iyo lacag qaadasho: caadiyan adduunku
Soomaaliya wuxuu u yaqaanaa waddanka ugu musuqa badan caalamka markii la
fiiriyo dhaqanka Soomaalida iyo sida ay lacagaha ugu bixinaayaan musuqu waxaad
dareemeysaa in kaalintaas aan u qalanay oo aan nalaka gardarnayn. markii loosoo
laabto cayaaraha soomaaliya musuqu aad ayuu uga dhex jiraa waliba waxaa kasii
daran in baaritaan aan lagu samayn oo horey looga socdo. Inkastoo intii
cayaaraha ay socdeen laba degmo laga reebay tartanka kadib markii lagu eedeeyay
in ay cayaartooda ku dhamaatay 2-2 ay labadooda kusoo bexeen natiijadaasna
horey loosii ogaa. Dhacdadaas kaliya ma ahan wax is dabamarinta dhacday laakiin
taas waxaa culeys u yeelay in social media aad looga buunbuuniyay ayna keentay
in tillaabo laga qaado. Shaqsiyan waxaan maalin sheekeysanay mid ka mid ah
naadiyada haray sheekadii waxaa soo dhexgalay musuqa iyo in ciyaartooyda ay
lacag qaataan, shaqsigaas cayaaraha degmada ku dhex jiray wuxuu ii sheegay in
mid kamid ah ciyaaryoydooda uu lacag qaatay waliba ay inta baareen mobilekiisa
ay arkeen caddayntii laakiin ay iska dhafeen maadaama uu ahaa ciyaaryahan marti
ah oo ay gobol ka keeneen wuxuu kaloo ii raaciyay dhaqankaas inuu kajiro
ciyaaryahannada lacag inta siiyo ay wax fuutiyaan. Waxyaabaha arintaas
xoojinaayana waxaa ka mid ah waxaad mararka qaar arkaysaa gool haye xirfad iyo
dadaal aad ku ogayd markaa aragto asagoo u ciyaaraaya sidii inuu buko oo laga
dhalinaayo goolal aan caqligal ahayn.
Gunaanad: Horyaalka degmooyinka gobolka Banaadir iyo
degmooyin ka mid ah Shabeelaha dhexe wuxuu kusoo idlaaday si nabad ah
dhibaatooyin lagama soo warin laakiin guulo muuqdo lagama gaarin umana
malaynaayo in xariirka Soomaaliyeed iyo guddiga cayaaraha gobolka Banaadir ay
inta dib u kulmaan ka wada sheekeysan doonaan wixii ka qaldamay iyo wixii u
hagaagay toona.
Waxaan qoray: Mohamed Deeq Taako
Email: Deeqaxmad15@hotmail.com
Whatsapp: +252615518712