Soomaaliya hanolaato

Soomaaliya hanolaato
Soomaaliya hanolaato

Friday, November 7, 2025

Cayaarihii Gobolka Banaadir cashar aan ka barano

 Waxaa soo gabagaboobay tartankii degmooyinka gobolka Banaadir, Balcad iyo Warsheekh taas oo koobkii ay kooxda Hawlwadaag ku guulaysatay kadib markii ay 2-1 uga badisya kooxda ka socotay Warsheekh ee Shabeelaha dhexe.haddaba waxaan rabaa inaan qormadaan uga hadlo tartanka iyo wixii guulo laga gaaray ama wixii gaabis jiray. Waxaan sidoo kale qodobayn doonaa ujeedooyinka tartanka iyo in yoolkii laga lahaa laga gaaray. Tartanku waxaa lagu magacaabay “Tartanka degmooyinka gobolka Banaadir” laakiin waxaa ku jiray laba koox oo ka socotay Shabeelaha dhexe, ma hubo waxa labadaas koox lagu soo xulay oo degmooyin ka sokeeya sida Afgooye aan tartanka loogu soo darin laakiin waxaan rajaynaa in saxaafaddu ay arintaas baaritaan ku samayn doonto.

Ujeedooyinka ugu muhiimsanaa ee qof waliba madaxa ku haayay waxaa ka mid ah:

1.      Soo saarista ciyaaryahanno Mustaqbal leh: mid ka mid ah ujeedooyinka ugu waaweyn ee loo qabtay tartanka iyo natiijada laga filaayay waxay ahayd in ay kasoo baxaan ciyaaryahanno da’yar kuwaas oo anfaca horyaalka dalka iyo qarankaba, taasina waxay ku suurtoobi lahayd in ciyaartooyda laga soo xulo kuwa iskuulada u ciyaaraayay ama horyaalada xaafadaha ciyaara lana siiyo fursad ay kusoo bandhigaan xirfaddooda, laakiin su’aashu waxay tahay hadafkaas mala gaaray?

Haddaba haddii aan fiirino ciyaaryahonnada tartanka ciyaaraaya waxaa muuqata in ciyaartooy cusub oo badan aysan kasoo bixi doonin sababahaan dartood:

B. In fursaddii la siin lahaa ciyaartoyda gobolka Banaadir si ay xirfaddooda u muujiyaan aysan helin sababtoo ah inta badan degmooyinku waxay ciyaartooy kala yimaadeen kooxo ka dheela horyaalada kala duwan ee maamullada dalka, ciyaartoydaas markii tartanku dhamaado waxay sida caadiga ah ugu laaban doonaan goboladoodii kii xirfad ahaan fiicanna ma ogola inuu naadiyada waaweyn u dheelo kaliya wuxuu gaadaa tartanka degmooyinka oo uu ka helo lacago ka badan inta la siiyo kuwa la midka ah Muqdisho laga soo xulo. Arintaan waxaa caddaynaaya muuqaal laga soo duubay mid kamid ah kooxda Hawlwadaag o oleh “waxaan haysanaa koox Seera A ah warsheekhna hal qof kuma jiro” waana sida saxda ah.

T. Waqtiga diyaar-garoowga oo gaaban dartiis degmooyinku fursad uma helin inay ciyaartooy badan oo reer Banaadir ah aruuriyaan kadibna kala xushaan, aalaaba waxaa isku aadka degmooyinka iyo xilliga tartanku billaabanaayo la shaaciyaa mar ay ka dhiman tahay inta u dhexeysa bil illaa laba bil waana waqti aad u gaaban markii loo fiiriyo degmooyin laga rabo inay ciyaartooy kala xushaan, aalamiito sameeyaan, ciyaaro tijaabo ah dheelaan. Waqtiga gaaban wuxuu keenay in maamulka ciyaaraha degmooyinka aysan waqti galin in coyaartooy yaryar oo xirfad leh aysan ka raadin gudaha gobolka laakiin taas badalkeeda ay kuwa horyaalada Somaliland, Puntland iyo Jubaland illaa kililka shanaad ka dheela ay keensadaan in kastoo degmooyinka qaar ay ciyaartooy reer Banaadir ah u ciyaarayeen laakiin intoodii badneyd waxay ku hareen wareega koowaad.

J. Maalgalin la’aanta xiriirka ee tartanka iyo qoondo la’aantu waxay keeneen in degmooyinku awoodi waayeen in ay ciyaartooy degmadu leedaha ay diyaariyaan, tababaraan iskuna haayaan taasina waxay meesha ka saartay in degmooyinku yeeshaan koox isku dheelitiran, xirfad leh oo is ciyaar taqaan.

2. Kor u qaadidda dhaqanka: maadaama aan nahay ummad muslim ah oo diin iyo dhaqan leh waa muhiim in dadkeenana laga arko muuqaalkooda iyo ficiladooda, markii garoonka la joogay waxa ay kaamirooyinku soo qabteen muuqaalo aan dhaqan ahaan iyo diin ahaanba fiicnayn, waxaa la arkaayay gabdho isku niikinaaya, sidoo kale wiilal timaha kalaro u marsan yihiin, taageerayaal waraysiyo bixinaaya oo hadallo aan anshax ahayn ku hadlaaya. Inkastoo aysan dadku u arkin arrin culeys leh laakiin waxay sawir qaldan ka bixinaayaan nuuca dadka aan nahay waxayna barbaarin qaldan u tahay caruurteena yaryar. Taas badalkeeda waxaa qummanayd in degmo kasta galabta ay dheelayso ay soo bandhigto waxyaabaha goonida u ah ee dhaqan ama dhaqaale ay u leedahay, Xamarweyne oo kale waxaa lagu yaqaan kalluun waxayna soo bandhigi kartaa kalluunkeeda. Degmooyinka qaar waxay leeyihiin xarumo iyo astaamo taariiqi ah middaas ayayna lasoo shir tagi lahayd taas oo dadka bari lahayd degmo walba iyo waxa ay gooni ugu faanto loomase arko arrin muhiimad leh.

3. Muujinta amniga caasimadda: Ciyaaruhu waxay qayb ka yihiin muuqaalada wanaagsan ee laga dheehanaayo isbedellada nabadda ee caasimadda taasina waxay ahayd in laga arko laakiin markii si hoose loo fiiriyo waxaa laga dheehan karaa in amni daro ay dhawr meeloodba ka jirtay

B. Amniga gudaha garoonka: marka aan la iska indha tirin xaaladda amniga garoonka aad ayay u liidatay oo halis badani uga jirtay in kastaa maalmihii dambe la yara xakameeyay laakiin mar walba halistaas waa jirtay. Waxaa garoonka lagu arkaayay dhallinyaro tooreeyo wadata oo muuqaalo iska dhuubaaya ayagoo waliba tooreeyo isku caalinaaya naftoodana halis galinaaya, sidoo kale waxaa markale la arkay askari qorigiisa ciyaal u dhiibay si ay muuqaalo isaga duubaan, taas oo sababi kartay halis weyn sababtoo ah haddii xabado fakadaan waxay keeni kartay in dad badan ku waxyeeloobaan. Dhibaatada kale ee garoonka ka jirtay waxay ahayd in weero laba safle ah ay marar badan ka dhacday gudaha garoonka waliba ayadoo cayaartii socoto, dad badan oo garoonka joogay waxay awoodi waayeen in si nabad ah ay cayaarta ku daawadaan.

T. Cayaarta kadib: markii cayaarta laga soo baxo waxaa caado noqotay in waddooyinka garoonka looga soo baxo la isku weereeyo oo galab walba koox iyo koox loo kala baxo ayadoo dhibaato ay kasoo gaarto dadka garoonka kasoo baxay iyo gaadiidka waddada isticmaala taasina waxay iska noqotay sidii kulamo is ballansi ah oo cayaarta markay soo dhamaato la cayaaro.

Guud ahaan amniga gudaha garoonka iyo bannaankiisaba waxaa ka muuqatay inaan xoog la saarin oo sidii horyaalkii caadiga ahaa oo kale loo wajahay ayadoo tirada daawadayaasha iyo xasaasiyadda degmooyinka kala duwan aan la tixgalin.

4. Musuq iyo lacag qaadasho: caadiyan adduunku Soomaaliya wuxuu u yaqaanaa waddanka ugu musuqa badan caalamka markii la fiiriyo dhaqanka Soomaalida iyo sida ay lacagaha ugu bixinaayaan musuqu waxaad dareemeysaa in kaalintaas aan u qalanay oo aan nalaka gardarnayn. markii loosoo laabto cayaaraha soomaaliya musuqu aad ayuu uga dhex jiraa waliba waxaa kasii daran in baaritaan aan lagu samayn oo horey looga socdo. Inkastoo intii cayaaraha ay socdeen laba degmo laga reebay tartanka kadib markii lagu eedeeyay in ay cayaartooda ku dhamaatay 2-2 ay labadooda kusoo bexeen natiijadaasna horey loosii ogaa. Dhacdadaas kaliya ma ahan wax is dabamarinta dhacday laakiin taas waxaa culeys u yeelay in social media aad looga buunbuuniyay ayna keentay in tillaabo laga qaado. Shaqsiyan waxaan maalin sheekeysanay mid ka mid ah naadiyada haray sheekadii waxaa soo dhexgalay musuqa iyo in ciyaartooyda ay lacag qaataan, shaqsigaas cayaaraha degmada ku dhex jiray wuxuu ii sheegay in mid kamid ah ciyaaryoydooda uu lacag qaatay waliba ay inta baareen mobilekiisa ay arkeen caddayntii laakiin ay iska dhafeen maadaama uu ahaa ciyaaryahan marti ah oo ay gobol ka keeneen wuxuu kaloo ii raaciyay dhaqankaas inuu kajiro ciyaaryahannada lacag inta siiyo ay wax fuutiyaan. Waxyaabaha arintaas xoojinaayana waxaa ka mid ah waxaad mararka qaar arkaysaa gool haye xirfad iyo dadaal aad ku ogayd markaa aragto asagoo u ciyaaraaya sidii inuu buko oo laga dhalinaayo goolal aan caqligal ahayn.

Gunaanad: Horyaalka degmooyinka gobolka Banaadir iyo degmooyin ka mid ah Shabeelaha dhexe wuxuu kusoo idlaaday si nabad ah dhibaatooyin lagama soo warin laakiin guulo muuqdo lagama gaarin umana malaynaayo in xariirka Soomaaliyeed iyo guddiga cayaaraha gobolka Banaadir ay inta dib u kulmaan ka wada sheekeysan doonaan wixii ka qaldamay iyo wixii u hagaagay toona.

Waxaan qoray: Mohamed Deeq Taako

Email: Deeqaxmad15@hotmail.com

Whatsapp: +252615518712