Arbaco, 21ka Feebaraayo 2024, maxkamadda gobolka Banaadir ayaa u fariisatay dhagaysiga dacwada kiista dilka ah ee lagu soo eedeeyay Sayid Cali, kiiskaan oo ahaa mid aad loo wada sugaayay maadaama uu u dhacay si ka duwan kiisaska kale ee dilalka ah ee inta badan maxkamadda la keeno uuna baraha bulshada ka dhaliyay hadal-heyn aad u balaaran.
Xeer-ilaaliya guud ee qaranka ayaa kusoo eedeeyay Sayid
Cali inuu dil gudib ah u gaystay Marxuumad
Luul Cabdicasiis Maxamed sidoo kalena uu dhaawac dab ah u gaystay wiil
ay dhashay oo lagu magacaabo Cimaad Cabdirisaaq Maxamed. Xeer-ilaaliyaha ayaa
maxkamadda ku wareejiyay warqaddo caddaymo ah oo laga kala qoray, qaybta dambi baarista
ee boliiska, isbitaal Madiino, marqaatiyaal iyo mid laga qoray isla eedaysanaha.
Maxmakadda ayaa sidoo kale dhagaysatay baaraha
kiiskaan, Cabdifitaax Booroow Sanweyne oo maxkamadda ka hor sheegay dhammaan
wixii xog ah ee uu soo aruuriyay. Wuxuu sheegay inuu tagay halkii uu dilku ka
dhacay, sawiro kasoo qaaday uuna soo waraystay dadkii ka ag dhawaa guriga.
Markii ciidamadu ay eedeysanaha kasoo qabteen maamulka
Galmudug oo xamar laga soo dajiyay shacabku aad ayay usoo dhaweeyeen waxayna
rajaynayeen in markii maxkamadda la geeyo si sahlan loo xukumi doono laakiin dhagaysigii
koowaad ee dacwada waxaa ka muuqatay in xukunka kiiskaan uu ka adkadkaan doono
sidii la filaayay
Maxaa adkeeyn kara go’aanka kiiska.
1. Baaraha kiiska: markii Cabdifitaax oo ah baaraka kiiska uu maxkamadda ka hor hadlaayay wuxuu soo bandhigay intii caddayn ahayd ee ay ula muuqatay inay ku filnaan doonto go’aan ka qaadashada kiiskaan laakiin maadaama eedeysanuhu uu leeyahay qareenno u dooda waxay xaq u leeyihiin inay baaraha waydiiyaan wixii su’aalo ah oo markaas kiiska ka qafiifin kara eedeysana. Waxaa sidoo kale su’aalo weydiiyay maxkamadda gobolka oo ayaduna meelaha qaar rabta in si fiican loogu bayaaniyo.
Su’aalo dhawr ah oo la waydiiyay baaraha kiiska ugama uusan jawaabin si ay ku dheehan tahay inuu baaritaan qoto-dheer soo sameeyay, sidoo kale faahfaahin miisaan leh ma uusan ka bixin su’aalaha oo jawaabta waa uusoo koobaayay taas oo ka dhigaysa nin xirfad ahaan aan dhisnayn ama baaritaan fiican aan soo samayn.
Difaacayaasha eedeysanaha oo su’aalo weydiiyay baaraha waxay u muuqdeen kuwo raadinaayay halka baaruhu ka jilcan yahay ama xogihiisu aysan ka cusleyn. Haddaba jileec badan oo ka muuqday baaraha kiiska waxay dheereyn karaan kulamada dhagaysiga dacwadda.
2. Marqaatiyaasha:
Maadaama kiisku uu dhacay xilli habeen waqti dambe ah oo badi dadku ay jiifteen
ama ay xataa gurigooda ku jiraan uuna ka dhacay qol ay ku jiraan eedeysana iyo
marxuumadda oo ay adagtahay in la helo marqaati wax arkaayay ama xataa maqlaayay
sida wax u socdeen waa mid kale oo dheereyn karta maxkamadaynta Sayid Cali. Farxiyo
oo ah gabadha ay dhashay marxuumad Luul oo ah qofka ugu dhaw inuu marqaati ku
furo eedeysana kaliya waxay aragtay Luul oo gubanaysa laakiin si cad uma arag sida
falka uu u dhacaayay.
Marqaati kale oo asna
ahaa milkiilaha garaash u dhawaa guriga falku ka dhacay wuxuu sheegay in uu
xilli dambe yimid goobta loona sheegay Sayid Cali uu gaarigiisa oo garaashka u
yaalay uu qaatay Luulna uu soo gubay. Dhammaan marqaatiyaashaas lasoo bandhigay
ma muujin wax go’aan toos ah lagu qaadan karo.
3. Xirfadda
eedeysana: markii la fiiriyo xilliga, goobta iyo qaabka uu u
dhacay falkaan waxaa ka muuqata xirfad saraysa si loo marin habaabiyo indhaha
sharciga, wuxuu iska ilaaliyay xilli dad badan ay socdaan taas oo sababi lahayd
in haddii uu eedeysana guriga kasoo baxo qayladana la maqlo ay suuro gal ahaan
lahayd in dadku ay qabtaan. Wuxuu sidoo kale iska ilaaliyay in falka uu geysto
xilli caruurtu ay soo jeedaan taas oo sababi kartay inay si toos ah u arki lahaayeen
sida wax u dhaceen.
Haddaba qodobadaas aan
soo sheegay waxay adkayn karaan in kiiska si degdeg ah lagu soo afjaro oo go’aan
looga qaato.
Haddaba Maxaa kiiska fududeyn kara.
1. Dhagaysiga
codad hore: haddii laysku hawlo in dabagal lagu
sameeyo taleefanadii uu eedaysana isticmaalaayay kadib markii uu falku dhacay
waxaa laga yaabaa in la helo codad iyo xariiro uu la sameeyay qaar asxaabtiisa
ama qoyskiisa ka mid ah lagana yaabo inuu u sheegay siduu wax yeelay. Tani waxay
noqon kartaa caddayn aan loo baahan doonin marqaatiyaal kale ee la raadiyo
kiiskana dhinac ayay u ridi doontaa.
Ugu dambeyn waxaan ilaahey ka baryayaa in marxuumad
Luul ay caddaalad hesho go’aan caddaalad ah oo qoyskeedu ku qancaanna lagu
dhawaaqo.
Waxaan sidoo kale falanqayn doonaa hadduu Alle idmo
kulama kale ee kiiskaan la xariira.
Caddaaladdu ha sarayso