Maamulka Galmudug laga soo billaabo
maalintii lagu fakaray in la unko, maalintii madaxweynihiisii ugu horeeyay lasoo
doortay illaa maantadaan la joogo wuxuu kusoo jiray khilaaf aan kala joogsi
lahayn, is faham waa’ ka dhexjiray hoggaanka sare, wax qabad la’aan iyo xiriir
xumo kala dhexeysay dowladda dhexe ee sanadihii ugu dambeeyay.
Qormo aan dhawaan ka qoray ugana magac
daray “Galmudug
Khilaafkii La Haray Khibrad Haka Barato” ayaan aad ugu faahfaahiyay
dhammaan khilaafaadka soo jiitamayay afartii sano ee maamulka Galmudug uu jiray
marka dib ugu laaban maayo waxyaabihii lagu muran sanaa iyo wixii sababayba.
Cinwaanka qormadayda waxaan u doortay
ugana hadli rabaa meesha ay Galmudug hadda taagan tahay iyo waxyaabaha lama
huraanka ah ee loo baahan yahay si loo badbaadiyo masiirka iyo mustaqbalka
maamulka Galmudug iyo waxa ka dhalan kara haddii la qaadi waayo
tallaabooyinkaas
Waxaan halkaan ku faahfaahin doonaa
masuuliyiinta waajibku ka saran yahay inay Galmudug u hiiliyaan iyo waxa laga
rabo fikir ahaantayda, muhiim maahan waxa aan sheegay inay sax noqdaan laakiin
waxaan ka hadlayaa fikirkayga uun iyo waaya aragnimada aan usoo joognay.
Dadka
hiilka laga rabo
1 Dowladda
dhexe / Heer federaal
Dowladda
federaalka ah waxaa saaran masuuliyadda ugu weyn ee lagu badbaadin karo
jiritaanka Galmudug si ay u sii ahaato maamul jiray una dhamayso khilaafka
dhexdeeda ah iyo inay noqoto maamul wax qabad leh, haddii la waayo kaalinta iyo taageerada dowladda
dhexe Galmudug horey uma socon karto waana aragnaa natiijada ka dhalatay
murankii dhex marayay waayihii ugu dambeeyay.
Madaxweyne
Farmaajo ayaa mar uu Puntland ka
yimid booqasho kusoo maray Galmudug safar dheer ayuu ku tagay qaybo badan oo ka
mid ah, wuxuu soo dhagax dhigay mashaariic badan oo reer Galmudug aad ugu baahi
qabeen in kastoo dhagax dhiggii ka dib aan war laga hayn meel ay ku dambeeyeen
laakiin la isku raacsan yahay in mid ka mid ah aan la fulin.
Tillaabo kale oo
Farmaajo uu qaaday waxay ahayd inuu goobjoog ka ahaa dhammaystirka heshiiskii
ay Jabuuti kusoo kala saxiixdeen maamulka Galmudug oo uu hor kacayay Madaxweyne
Xaaf iyo maamulka Ahlusunna oo Sheekh Shaakir uu saxiixe u ahaa, dhamaystirka
heshiiskaa wuxuu ka dhacay magaalada Muqdisho walaw uu khilaaf hor leh dhex
dhigay Galmudug.
Raisul
wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa
markiisii ugu horeysay booqday Galmudug asagoo ka dagay caasimadda maamulka
wuxuuna kulan la qaatay madaxda Ahlusunna iyo wasiirka arimaha gudaha ee
dowladda dhexe, kulankaas intiisa badan waxaa looga hadlay doorashada la filayo
inay ka dhacdo guud ahaan Galmudug oo xilliga loo qabtay inay madaxweyne
doortaan maalmo naga xigaan.
Xasan Cali Kheyre
intuusan ka tagin Dhuusamareeb waa in uu Ahlusunna meel wax la dhigaa kana
dhaadhiciyo sidii ay uga soo dabci lahaayeen mowqifkooda mayal adayga ah ee mar
walba meel ku dhagnimada ah una diyaar garoobaan tanaasul si loo badbaadiyo
wadajirka reer Galmudug.
Intaas kadib Xasan
waa inuu Cadaado usii gudbaa lana kulmaa Xaaf oo ka wada hadlaan xaaladda
taagan iyo sidii looga gudbi lahaa muranka jira, waa inu si dabacsan oo aysan
ka muuqan xoog sheegasho iyo kibir odayga uu ula hadlaa uuna dareensiiyaa inuu
masuul yahay, sidoo kale waxaa looga fadhiyaa raisulwasaaraha inuu ka qanciyo
dhammaan wixii tabashooyin ah oo dowladdiisa loo qabo kana gar baxaa Xaaf waa
haddii uu rabo inuu ka shaqeeyo danta Galmudug.
Wasiirka
Arimaha Gudaha iyo federaalka Cabdi
Maxamed Sabriye safarkiisa Dhuusamareeb wuxuu furay albaab xirnaa oo ay
adkayd si in furo wuxuu sabab u noqday in Galmudug afkooda ay kasoo yeerto in
doorasho ay diyaar u yihiin ayadoo waayahaanba lagu kari la’aa doorasho, wuxuu
sidoo kale sabab u noqday in Xaaf Dhuusamareeb ka barokaco sababtuna waxay
ahayd in wasiirku uu la hadlay Ahlusunna halkii uu la hadli lahaa madaxweyne
Xaaf,
In Ahlusunna lala
hadlo walibi magalaada Dhuusamareeb ayadoo xaaf uu gees magaalada ka joogo waxay
hoos u dhigtay maqaamkii madaxweyne Xaaf waana sababta u horseeday inuu
dhuusamareeb iskaga tago, haddaba wasiir Sabriye waxa la gudboon inuusan go’aan
ku qaadan heshiiskaas
Waxaa kaloo
habboon inuu warqaddii uu soo saaray ee uu ku sheegay in doorashu ay ka
dhacayso Dhuusamareeb uusan dhaqan galin illaa Galmudug dhexdeeda ay iska
fahmaan go’aan midaysanna ay ka qaataan halka ay ka dhici doontu doorashadu.
Waxaa
iisoo haray Xildhibaanada labada aqal ee cadaado tagay oo dhammaantood ah ragii
laga soo doortay deegaanada kala duwan ee Galmudug waa inay muruqooda iyo
maskaxdooda isugu geeyaan sidii la isugu soo dhawayn lahaa Xaaf, Ahlusunna iyo
dowladda federaalka ah, ma haboona inay uga faa’iidaystaan mucaaradnimo
arrintana sii dhabqiyaan meesha ay joogto meel kasii fogna geeyaan.
Wixii ay Cadaado
kala soo laabtaan ayaa buugga ugu qormi doona samaan iyo xumaan dadka ay
matalaana isha ayay ku hayaan waxa ay halkaas ka samaynaayaan haddaba ha
fiiriyaan danaha shacabka daallan ee deeganka iyo mustaqbalka halkii ay berri
ku laaban lahaayeen ama doorasho u doonan lahaayeen.
Galmudug oo
hagaagta sababteedana ay ayagu leeyihiin abaal weyn ayaa looga hayn doonaa
waxayna ku qormi doonaan baal dahabi ah haddiise dhinaca kale ay u shaqeeyaan
oo fowdo iyo is faham waa’ ay soo kala dhex dhigaan Galmudug saamaynteeda
dhinacooda ayay kasoo gaari doontaa waana u sharaf dhac.
2 Madaxda
Galmudug
Madaxweyne
Xaaf cidina kuma qasbin inuu Ahlusunna la heshiiyo, dadaal iyo odaynimo ku
jirta ayuu arintaas ugu dhaqaaqay waana ogayn oo waa ka miro dhaliyay inkastoo
si fudud uu Cadaado ku lumiyay haddana fudaydkii uu Dhuusamareeb ku aaday ayuu
uga soo tagay, si kastaba ha ahaatee meesha xaaladdu hadda joogto waa dhawdahay
haddaan madax adayg iyo isla weyni aan la adeegsan.
Xaaf asagaa hadda
Galmudug madaxweyne ka ah masuuliyadna ka saran tahay inuu meel wax laga sii
wado karo ka tago, waa inuu doorasho diyaariyaa, in kastoo uu sheegay in
doorashadu Cadaado ka dhacayso haddana dood iyo wada hadal ayaa ka furan,
go’aankiisu yuusan noqon mid lagama laabtaan ah.
Tan kale ee Xaaf
laga rabo si Galmudug dadkeedu aysan uga harin dadyawga maamulada kale ayaa ah
inuusan isi soo sharixin sababtoo ah dadka uu la shaqayn doono waa dadkii uu
horey ula shaqayn waayay ee uu meel kasta ka sheegay inay dhibaato ku yihiin
maamulkiisa gadaal ay u dhigeen.
Ahlusunna waa in
ay kasoo dabcaan go’aankooda ah in doorashadu ka dhacdo Dhuusamareeb go’aankana
uga dambeeyaan wasaaradda arimaha gudaha wixii lagu wada heshiiyana ay
ogolaadaan waa haddii rabaan Galmudug midaysan
Gunaanad
Xalka ugu sahlan ee Galmudug waa in miiska wada
hadalka lasoo fariisiyaa dhammaan inta ay quseyso xaaladda cakiran ee maamulka
xal kama dambeys ahna ay ku heshiiyaan ayagoo ka fiirinaaya aayahooda, waa in
sidoo kale wada hadalka iyo aayo ka talinta Galmudug laga qayb galiyaa dowladda
dhexe ayna kusoo biirisaa fikirkeeda iyo sidii lagu hagaajin lahaa maamulka.
W/Q Mohamed Deeq Taako