Maanta waxaan idiin
hayaa xog ku saabsan taawarada/ siinka isgaarsiinta ee aad magaalada ku dhex aragtaan
dadka faaiido ma u leeyihiin mise dhibaato ayay ku hayaan.
Waxaa laga yaabaa in
dadku aysan ku baraarugsanayn inay wax ka ogaadaan laakiin waxaa hubaal ah markii
aad aqriso xogtan inaad si ka duwan sidoo hore aan u fakari doonto.
Waxaan shaki ku jirin in dadku ay dhibaatada kala
kulmaan shucaaca ay soo dayaayaan diishashka isgaarsiineed ee inta badan dhex
suran xaafada magaalada Muqdisho.
Diishashka aan ka
hadlayno waa kuwa loo adeegsado taleefanka gacanta oo moobaylka loo yaqaan, diishashku
waxay soo daynayaan shucaac kaas oo dhimaato u gaysta maskaxda dadka, ayadoona
qof waliba kuu ka da’ yar yahay uu ka dhibaato badan yahay.
Dhibaatooyinka uu shucaacaas dadka
gaarsiiyo waxaa ka mid ah
1.
Waxay dhibaato
u gaysataa lafta madaxa caruurta da’doodu ay yar tahay kuwaas oo aysan wax
badan iska caabin Karin waxayna keentaa in dhibaato ay gaarto maskaxda.
2.
Waxay sidoo
kale keentaa saxaasiyad badan oo dhinaca neerfaha ah.
3.
In
difaaca jirku yaraado sababtuna waa shucaaca iyo falaaraha oo wax yeelo u
gaysta unugyada.
4.
Wuxuu sababaa
in unugyada jirku ay kala qaybsamaan taas oo soo dadajisa in unugyaa uu dhaawac
gaaro haddii shucaacaas uu ku socdana ay ugu dambeyn dhintaan.
5.
Shucaacu
wuxuu sidoo kale sababaa cuduro badan oo ay ku jiraan Kansarka
Inta badan waxaa
arkaysaa isbitaal hooyooyinku ay ku dhalaan oo haddana uu ka dhex suran yahay
taawar isgaarsiineed waliba kan moobaylada ah wuxuuna dhibaato joogto ah ku
hayaa caruurta isbitaalkaas ku dhalanaysa waana sababta aan u arkayno caruur
hadda dhalatay oo cadana cuduro badan oo kala duwan qabta
Nolosha caruurteena
Soomaaliyeed iyo caafimaadkoodu waa muqadas xaq ayayna u leeyihiin waana
sharci, waana loo baahan yahay in arintaas sharci laga sameeyo kaas oo ilaaliya
caafimaadka shaqsiga iyo kan deegaankaba iyo in qofkii arintaasi dhibaato kusoo
gaarto uu ugu yaraan maqdhaw helo.
Sharcigaasi wa inuu
ka madaxbanaan yahay oo aysan faragalin ku lahaan shirkadaha isgaarsiinta ka
ganacsada si aysan u dhicin in sharcigaas lagu saleeyo rabitaankooda iyo
danahooda.
Haddaba maxaa nala gudbood
1.
In dowladdu
kontorool ku sameeyo shirkadaha isgaarsiinta iyo in taawarada laga fujiyo
meelaha ay ku baddan yihiin caruurta iyo
dhammaan dadka nugul sida agagaarada iskuulada, isbitaalada, xanaanooyinka
caruurta iyo meelaha dadku ku baddan yihiin.
2.
In nolosha
dadka la xushmeeyo caafimaadka dadkana lagana taxadaro, si taas aan u helno waa in ganaax la dul
dhigo haddii taawar laga suro meel aan munaasib u ahayn sida meelaha dadku u
badan yihiin.
Gunaanad
Waxaan la iska indha
tiri Karin dhibaatada baahsan ee fallaaraha iyo shucaaca diishashka
isgaarsiintu ku hayaan dadkeena ayagoo cuduro badan oo aan dalka horey looga
aqoon soo kordhiyay oo aad arkaydo maalin walba haddaba si arintaas aan u
yarayno waa inaan ka fakarno qaadashada tillaabada ku haboon.
Fikirkaada ku
saabsan sidii lagu xallinlahaa arintaan noo reeb.