Laga soo billaabo markii la doortay madaxweyne Xasan Sheekh sanadkii
2012 waxaa billaabatay in laga hadlo sidii lagu suurta galin lahaa doorasha
dalka ka dhacda sanadka 2016 taas oo shacabka iyo madaxduba ay aad ugu hanwaynayd
inay sidii loo qorsheeyay u dhici doonto.
Maadaama xilligii federalka uu halkaas nooga dhammaaday waxyaabaha
dowladda Madaxweyne Xasan laga filaayay waxaa ka mid ahaa in la dhamaystiro
federaalka oo dalka oo dhan la gaarsiiyo si ay u sahlanaato in qof waliba uu ka
codeeyo meesha uu joogo ayadoo arintaas ay fududeyn doonaan maamul goboleedyada
Dowladda federaalka ah hoos taga.
Wuxuu qorshuhu ahaa si shacabka soomaaliyeed ay codeeyaan taas oo noqon
doonta qof iyo codkiisa si dimuquraadi ahna ay u doortaan madaxweynaha ugu wax
qabadka fiican musharixiinta markaas isi soo taagay ama qofku uu ku qanacsan
yahay.
Taas waxaa meesha ka saaray markii dowladdu ay ku dhawaaqday sanadkii
2015 in doorasho qof iyo cod ah aysan ka dhici Karin dalka waxayna u sababeeyeen
waqtiga oo yar iyo hawsha la rabo in la qabto oo aad u fara badan.
Xilligaas qormo Ayaan ka sameeyay ciwaankeedu ahaa DOORASHAAN SUGAYNAYE
DIB U DHAC MA FILAYN
halka ka aqriso http://deik-taako.blogspot.com/2015/08/doorashaan-sugaynaye-dib-u-dhac-ma.html
Xilligaas wixii ka dambeeyay waxaa la isla qorsheeyay in ay dhici doonto
doorasho la mid ah tii sanadkii 2012ka ee Madaxweyne Xasan uu ku soo baxay ee
xildhibaanada beelaha ka yimid ay codaynaayeen waxaana la rajaynaayay in ay ku
dhacdo waqtigii loogu tala galay maadaama xilligaas sanad iyo bar ay ka
dhimanayd.
Wuxuu waqtigu isguraba waxaa hadda soo
dhawaaday waqtigii doorashada walina hawlihii doorashada lama qaban taasina
waxay sababtay markii la isla arkay in waqtigu gabaabsi yahay in dib loo dhigo
doorashada muddo laba bil ah ayna isku raaceen madaxdii dowladda iyo kuwii
maamul goboleedyada hadda jira (Hogaamiyaasha Madasha Wadatashiga Qaran).
Markii ay soo baxday arrinta ah dib u dhigista
xilliga dorashada ayaa waxaa billowday doodo ku saabsan sharciyadda joogista
Madaxweyne Xasan ayadoo inta badan xildhibaanadu ay qabaan fikirka ah in
madaxweynuhu uu xilka banneeyo si ku meel gaar ahna loogu sii dhiibo
Guddoomiyaha Baarlamaanka.
Xildhibaanada aaminsan fikirka ah in
madaxweynuhu uu xilka ka dago ayaa waxay daliishanayeen qodobka 91aad ee Dastuurka KMG ee dalka kaas oo
dhigaya in marka uu Madaxweynaha waqtigiisu dhammaado uu booska banneenayo uuna
xilkaasi lasii wareegayo Guddoomiyaha Baarlamaanka inta Madaxweyne kale laga
dooranayo.
Sida ciwaanka qormadaan ka cad waxaa arintaas kasoo horjeystay qaar ka
mid ah bulshada Soomaaliyeed iyo xildhibaano baarlamaanka ku jira kuwaas oo ku
taliyay in madaxweyne Xasan iyo dhammaan qaybaha kale ee dowladduba xilka ay
sii hayaan inta doorasho ay ka dhacayso oo laga helayo madaxweynihii badali
lahaa Xasan sheekh.
Dadka qaba fikirka ah in madaxweyne Xasan uu xilka sii hayo ayaa sabab
uga dhigay sii joogitaankiisa
1.
In
aan lagu noqon kumeelgaarka: haddii madaxweynaha uu xilka ka dago markii
lagaaro 10ka September waxaa xilka lasii wareegi doonaa guddomiyaha
baarlamaanka waxayna noqon doontaa kumeelgaar taas oo haddii xataa xilli kale
doorashu dib u dhacdo lagu sii jiri doono kumeelgaarnimo waxayna dhabar jab ku
noqonaysaa kaalmadii beesha caalamka laga heli jiray iyo wada shaqayntoodaba
2.
In
aan la galin kala guur:madaxweynaha oo banneeya booska waxay sababi doontaa in
xaaladdu ay noqoto kala guur taasina waxay sababi kartaa in hantidii qaranka
lagu takri falo iyo in uu yimaado qalqal ammaan maadaama uu yaraanayo isla
xisaabtankii madaxweynuhu ku samayn jiray madaxda aminga iyo habacsanaan dhan
kasta ah oo soo cusboonaata
Gunaanad
Waxaan rabaa inaan qormadaan kusoo gabangabeeyo in la raaco taladii iyo
go’aamadii kasoo baxay shirkii ay yeesheen madaxda maamul goboleedyada iyo
dowladda federaalka ah kaas oo la isku raacay in illaa laga gaarayo doorasha uu
madaxweynuhu booskiisa sii joogo dowladduna sideeda u sii shaqayso.
War saxaafadeedkii kasoo baxay shirkaas waxaa lagu yiri ''Madashu waxa
ay tixgeliyeen in ay lagama maarmaan tahay in muddada gaaban ee kala guurka ah
looga gudbo si huwan nabaadiino iyo xasillooni, aysan dhicin firaaq hay’adeed
ku yimaada jiritaanka laamaha dastuuriga ah ee Dowladda Federaalka. Madashu
waxay guddoomisay in laga billaabo taariikhda ay ku dhammaaneyso muddada
xil-heynta laamaha dawladda, ay xilka u sii hayn doonaan ilaa iyo inta
natiijada cusub ee doorashada ee laamaha dastuuriga ah lagu dhawaaqo, sida ku
cad jadwelka ay soo saareen (GFHDD)”
W/Q: Mohamed Deik Taako