Soomaaliya hanolaato

Soomaaliya hanolaato
Soomaaliya hanolaato

Sunday, March 29, 2015

TAAGEERADA KHALIIJKA TAAG MALOO HAYAA?

Waxaa la yiri hadda ka hor ayaa nin faruuran waxaa uu ka safray dhulkii uu ku noolaan jiray iyadoo aysan jirin sabab keentay in uu magaaladiisa isaga hayaamo uuna magaalo kale aado.
Waxa ninkii tagay magaalada Berbera xilli ka dib ayaa magaaladaasi waxaa ku arkay nin ay isku magaalo ahaayeen oo waydiiyay “Faruureey maxaa Berbera ku keenay”?
Ninkii Faruurnaa waxa uu ninkii ugu jawaabay “faduul” oo uu ula jeeday ma jirto wax dan ah oo inta I keentay laakiin faduul iyo wareeg ayaan u imid.
Sheekadaas faruurey oo kale waxay hadda haysataa dowladda Soomaaliya oo maalmihii ugu dambeeyay waday taageero ay ku garab istaagaysay dowladda Sacuudiga oo ay ka dhexeyso saaxiibtinimo aysan u jeedin dadka Soomaaliyeed.
Todobaadkii tagay ayay ahayd markii dowladdu ay war kasoo saartay xiriirkii u dhexeeyay wadamada Sacuudiga iyo Swedan oo xumaaday iyadoo dowladdeenu ay barbar istaag u muujisay Sucuudiga, mar labaad dowladdu waxay taageertay xulufada dowladda Sacuudigu uu hor kacayo oo weerarka ku haya xuutiyiinka Yemen ka dagaalamayam iyadoo taageertay duqaymaha lagu wado dagaalyahanada Shiicada ah ee reer Yemen.
Iyada oo dowladda Soomaaliya ay sacuudiga taageertay ayaa hadana dalka Yemen waxaa ku nool Soomaali qaxooti ah oo aad u fara badan kuwaas oo aan ku noolayn wadan carbeed oo kale, sucuudiguna wuxuu xataa qaxootinimo u aqoonsado iska dhaafe waxay tarxiil ku hayaan dadkii wadankaas nabad galyada u raadsaday.
Maxay tahay sababta wadamo noo kala fiican aan ugu kala hiilinayno?
Dowladda soomaaliya waxaa taas badalkeeda laga rabay inay warqad u diraan Dowladda sucuudiga una sheegaan in aysan raali ka ahayn duqaymahaas ay ka wadaan Yemen maxaa yeelay waxaa ku nool qaxooti Somaaliyeed oo laga yaabo in weerarkaas dhibaato kasoo gaarto.
Hadaba waxaan su’aal weydiinayaa Bulshada Soomaaliyeed taasi oo ah “muxuu yahay go’aankiina ku aadan hadalkaa ka soo baxay Dowladeena?
Qaranimadeenu waa in ay ka weynaataa danta gaarka ah iyo hiilo caadifadeed waa wax illaa hada naloo aamini la’yahay hadii aynu nahay bulshada Soomaaliyed  oo dhan.
Annigu wali waan qaadan la’ahay warkaas ay wasaarada arimaha dibadda soo saartay iyo danta dadkeena iyo dowladeena ugu jirto.
Sucuudiga waa kuma Bulshadeena Soomaaliyeedse  Muxuu  ka muteestay?!!!.
Sida bulshada Soomaaliyeed wada ogsoon tahay qofna aan sharaxaad badan uga baahneyn ka dib burburkii dowladii dhexe ee Soomaaliya 1991 kii bulshadeena waxaa ku  habsaday dagaallo sokeeye , gaajo  iyo qax baahsan kaas oo illaa iyo maanta socda.
Dalka Sacuudiga  illaa xiligaas iyo maanta oo eey taariikhdu  tahay  29 Maarso 2015 hal qof oo Soomaali ah oo qoxooti ahaan ugu nabad galay majiro maalin kasta waxeey soo daad gureeyaan oo soo tarxiilaan kumanaan Soomaali ah oo caruur, haween iyo Duqow u badan, Dhallinyaro warkood habasheegin.
Kaliya Janaayo iyo Febraayo  2014  Sacuudiga wuxuu wadankiisa kasoo tarxiilay 12,000 kun (Laba iyo Toban Kub) oo qof  waa mudo Laba Bil ah oo sida ku cad report kan oo eey soo saartay human rights watch :http://www.hrw.org/news/2014/02/18/saudi-arabia-12000-somalis-expelled.
Waxa kasii  daran dhibaatada ay u geestaan ciidamada sacuudiga gabdhaha Soomaaliyeed ee tahriibka ku tagay.
Bilkasta xabsiyada Sacuudiga waxaa ku dhax umula kuna dhax dhinta gabdho Soomaaliyeed iyo duqey marna ma aysan ka hadlin dowladda Federaalka Ee Soomaaliya.
Muuqaal lasoo dhigay barta internet ka ee uu so duubay wiil Soomaali ah oo ku jiray xabsiga sacacuudiga bishii lasoo dhaafay  ayaa waxaan ka fiirsaday  oday qiyaas ahaan 80 jir uu  ku sheegay ee ku dhax dhintay xabsiga oo beerkiisa matagay isbitaalna loo diiday in la geeyo  ka dibna oo halkiisa ku geeriyooday sheeko  maahan waa wax aad fiirsan karto.
Dowladda Soomaaliyeed marna ka ma aysan hadal dhibkaas bulshadeeda lagu hayo wasaaradda arimaha dibaddana warqad ma eysan kasoo saarin xitaa  Cambaareyn allaha ka dhigee
Yemen iyo shacabkeeda  maxaaan  naga dhexeeya?
Dowladda Yeman iyo Soomaaliya waxeey xariir qoto dheer wada saxiixdeen   december 18, 1960.
Si kastaba ha ahaatee ka dib Burburkii dowladii dhexe Yeman waxa ay sii ilaalisay xiriirkii walaaltinimo safaaraddii Soomaaliyeed ee ku taallay dalkaasina marna ma xirmin  waxaaa ku qaxay wadanka Yeman kumanaan kun oo Soomaali qaxooti ah,  siwanaagsan ayaana loogu soo dhaweeyay intii karaankooda ah.
Qof dib ay usoo celisayna ma jirin, Qofkii Soomaali ah ee qaxooti ahaan ku joogana dhib badan ma uusan qabin  qofkii shaqa ka abuuran karana waa uu ka abuurtay sida dadka Sooomaaliyeed loogu soo dhaweeyay Yeman dowlad carbeed oo shacabkeena sidaa usoo dhaweeysay majirto
Maanta oo aan hadalkaan qorayo waa 29 march 2015, dalka Yemen waxaa ku sugan 250,000  laba baqol iyo konton kun oo  qaxooti Soomaaliyeed ah  waa inta Diwaanka ku jirta  ee la ogyahay sida aan ka daawaday TV-ga Aljazeera .
Qaxootigaas hadeer kusugan Yeman dhib aan qaxootinima aheyn ma qabaan cid ku haysata maxaa wadankaan u joogtaana majirto.
Yaan cadow loo sameeynin shacabka Soomaaliyeed  iyadoo aan waxba loo qaban  Karin ama laga difaaci karin weerarka.
Maxaa keenay taagerida sucuudiga
Su’aalaha ay dadku iswaydiinayaan waxaa ka mid ah sababta dowladdeenu ay ku taageertay dowladda sucuudiga ayadoo waliba aan lagu soo duulin ee weerarka ayadu qaaday ma Muslinimada ayaa lagu taageeray?
Haday arintu tahay Sucuudigu waa Muslim sunni ah xuutiyiintuna waa Shiico ama Swedan waa wadan aan Muslim ahayn maxaa diiday in dowladdu ay cambaarayso weerarada reer Israel ay ku hayeen falastiiniyiinta oo waliba tan Yemen ka xanuun badnayd?
Dowladda Sucuudigu haday ahaan lahayd wadan nooga fiican wadamada kale arin xun ma ahaateen in la taageero laakiin wadamadii qaxootigeenu daganaa haddii lagu diro oo cadaawad loo muujiyo wadankoodiina aysan kusoo laaban Karin oo amnigiisu wali uusan fadhin maxaa laga faa’iiday taageeradaas oo aan dhib ahayn? bal adiguba is weeydii?
Midda kale Sacuudigu waa wadan lacag haysta wuxuuna awood u leeyahay in uu dhammaan Soomaalida qaxootiga ah dib u dajin u sameeyo laakiin ma samayn wuxuuna cadaawad u muujiyay dadkii shaqada wadankooda u doontay, oo aad ka arki kareeysid maalinkasta  tarxiilka  lakeeno xamar iyo  diifta kamuuqata dadkaas.
 Badbaadinta qaxootiga Yemen iyo tala soo jeedin
Ayadoo dadkeena qaxootiga ah ee ku sugan Yemen ay halis ugu jireen dagaalada ka socda wadankaas oo walwal uu ka haystay in loo beegsado Sunninimo ayaa hadana waxaa ugu sii darsamay in dowladdoodii  ay taageertay isbahaysiga weerarka kusoo qaaday Xuutiyiinta.
Qaxootiga Soomaaliyeed ee wadankaas waxay ku badbaadi karaan ayay ila tahay fikir ahaan Seddax arimood
  1. In dowlada somaliyed ay ka gaabsato waxa ka socda Yemen oo  hadii ay ka hadashana dhib mooyee dheef kusoo kordhineeynin shacabka  Soomaaliyeed.
  2. In warkeena uusan gaarin dagaalyahanada reer Yemen oo warbaahintu aysan buunbuunin iyo
  3. Dadka reer Yemen ay noo arkaan inaan nahay wadan aan waxba kusoo kordhinayn weerarka oo aan iska nahay dameeri dhaan raacday oona sida saxda oo aa nahay waaba hadey sidaa inoo fahmaane.
Iyadoo la rabay dowladdu inta aysan go’aankaas qaadan inay fiiriso xaaladda dadka laakiin marba hadday qodxo u abuurtay dadkii Soomaaliyeed  ee qaxootiga ahaa waxaa la gudboon in ay dadkaas soo daad gurayso inta aysan dhibaato soo gaarin .
Waxaan rabaa inaad kusoo koobo qormadaan maahmaah Soomaaliyeed  iyo riyo uu ku riyooday Burhan Ali  hadaan ku hormaro riyada waa sidan “Xalay manaam baa la i tusay. Waxaa la i tusay Ciidamada Kumaandooska Soomaaliyeed waa ciidanka sida Raha u booda, u ugaarsada sida Haramcadka u hiinraaga sida Libaaxa, Maska ku qadeeya, dhagxaanta isaga dajiya, shuguxa(jayga) ku luqluqda, siligana ku findhicisha oo ku duulaya Qabaal miigan oo baacsanaya Xuutiyiinta, waxay lahaayeen Bal annaga iyo Shiico xaggeen iska soo galnaa?
Manaamka dhexdiisa ayaa la igu yiri: War kuwaan maxaad u soo kiciseen miyaydaan dhulkan nolol ka rabin? Maxaa jira ayaan ugu jawaabay codkii ila hadlayey? Waxaa la igu yiri miyaadan arag siday u kharaabiyeen dhulkoodii? Takhasuskoodu waa baabi’inta, bara kicinta, nabad diid ka, kala dambayn la’aanta iyo ka ganacsiga hoogga, silica iyo saxariirta ka dhalata fal dhaqankoodii. Miyaadan arag kuwa siligyada qaxootiga ootay, kuwa dillaala iyo kuwa ku dawarsada. waxaan iri illeen ummaduhu qolo walba waxbay takhasus ku tahay!
FG: waa riyo
Mahmaahdana waa  “jeeniga dambe hadduu kan hore dhaafo waa uu jabaa” marka taageerada aan waxbana inoo soo kordhineeyn dhib mooyee naga dhaafa, Taariikh dana waa qorantahay.
waa fikirkii Maxamed Deeq Taako iyo gacansiin Cabdullaahi Maxamed Cali (ganey)
deeqaxmad15@hotmail.com 

Saturday, March 28, 2015

MAGAALADAAN XANNIBAN AAWAY XOOLEHEEDII?

Sidaan wada ogsoonahay magaalada muqdisho waxay xilligaan ku jirtaa xaalado adag oo dadka dhami ka wada cabanayo lacag la’aan, dadkii magaalada ku joogi jiray shaxaad iyo waxay dad ka qaadaan hadda cirkaa loo fiiriyay oo qof ay wax ka qaadaan ayay la’yihiin maxaa yeelay dadkii wax laga qaadi jiray ayaanba naf ahaantoodii yaaban.
Dadka markaad waydiiso intee wax ka jiraan qof og ma jirto ciladdu meesha ay jirto laakiin silsiladdii hoos ka billaabanaysay ee lacagtu ku socotay ayaa laga yabaa in meel dhexe laga ceejiyay ama tubaddii lacagtu ku qulqulaysay ayaa xiran ama dhinac kale loo leexiyay.
Cabasha dadweynaha aad ayay u badan tahay laakiin xal looma haayo maxaa yeelay meesha laga haysto ayaanba la ogayn laakiin dadka dhibka wadaahi waa ogyihiin waxay samaynayaan.
Waxaan shaki ku jirin in adiguba naf ahaantaada aad ka cabanayso isbadal ku yimid wixii kusoo gali jiray ama aad ka cabanayso dadkii wax ku waydiisan jiray oo sii batay waxaa kaloo aan shaki ku jirin inaad ka war qabto dad badan oo ka sheeganaya dhaqaalo xumo soo wajahday maalmahaan dambe iyo inaad adiguba dareentay is badal inuu jiro.
Hadaba dadku waxay ka cabanayaan:
1.     Shaqo la’aan
Shaqadu waa shayga koowaad ee qofku uu naftiisa ku maareeyo nolol maalmeedkiisana uu kasoo dhacsado marka haddii shaqadii meeshaasi qofka ka joogtay la waayo nafta side lagu dabari karaa soo shaxaaatan in la isku dayo maahan?
Waxaa sidoo kale aad u fara badan dhallintii wax baratay oo jaamacadaha dhamaysatay inaysan badankood wax shaqa ah hayn oo wali guryihii intay wax baranayeen ku noolaayeen oo waalidkood ay ku noolyihiin ayadoo xataa fursadaha shaqo ee yar oo mararka qaar soo baxa  laysku shaqaalaysiinayo qaraabonimo oo ayadoo qofkii shahaadada haystay uu joogo mid qarabaha ah laakiin aan wax baran ama hadduu bartayta aan booskaan u qalmin shaqadii la gaynayo taasina waxay keentay in dhallintii wax baratay shaqa la’aan ay hayso.
Shaqa la’aanta magaalada ka jirta waxay horseeday in dad badan ay balwad ka dhigteen shaxaad iyo waydiisasho taasoo haddii uu qofku barto keenaysa inuu qabatimo oo shaqa kasta oo uu helayo uusan rabin oo balwad ay ka noqoto shaxaadku.
2.    Ganacsi xumo
Lacag la’aanta ka jirta magaalada waxay keentay in dadkii ganacsiga kulahaa magaalada qaarkood ay kacaan sababo la xariira ganacsigoodii oo xumaaday.
Dadka dukaanleyda wax ka iibsada waxay isugu jiraan dad shaqaysta iyo dad soo shaxaatamay intaba ayadoo aysan layaab ahayn in reer dhan laga biilo shaxaad laakiin markii magaalada lacagteedii ay is xirtay oo dhaqdhaqaadii lacageed istaagay waxaa badatay dayn qaadasho bilba bil lagu amaahanayo oo wax lacag ah macaamiisha waa kasoo laaban la’yihiin waxaa kaloo ganacsatada lasoo gudboonaaday qarash fara badan haba ugu darnaato kirada gurida oo inay sii kororto maahane aanba hoos usoo dhicin.
Tusaale waxaa kuugu filan ganacsigii faraha badnaa ee ku yaalay wadada maka-almukaramah ee magaalada Muqdisho oo sanadihii ugu dambeeyay ahaa mid aad u muuqday oo kala socday ayaa hadda sii damaya.
Sanado kahor suuragal ma ahayn in qol ku yaala wadadaas la helo maxaa yeelay guriga intii dhismuhu ku socdo ayaaba la sii carbuuntaa guri laga baxayana lama arki jirin laakiin taas badalkeeda hadda guryo badan ayaa cidlo ah oo iska xiran loona la’yahay dad kireysta maxaa yeelay ganacsi aan lacag laga helayn cid isku qasaarinaysaahi ma jirto.
Gunaanad
Hadaba sidaan waxa ogsoonahay ma jiro ganacsiyo soomaalidu dibadaha u dhoofin jirtay oo istaagay ama ilo dhaqaale oo ka xirmay laakiin waxaa kordhay lacagtii kasoo xaroon jirtay dekedda Muqdisho iyo tii garoonka Aadan cadde ka imaan jirtay oo intii hore ka badan marka haddii wixii nasoo gali jiray ay intii hore ka bateen maxay tahay baahida badatay?
Taas waxaa lagu sababayn karaa laba arin middood
1.     In lacagihii magaaladu ay ku kala socotay ay ahaayeen kuwa si musuqmaasuq ahaan magaalada kusoo galayay oo taasina dowladda hadda jirtay ay wax ka badashay musuqii dadku wax ku heli jireen.
2.     In madaxda hadda jirtaahi ay gacan adagyihiin ama inay sameeyeen lunsasho lacageed oo ka badan kuwii lagu eedayn jiray madaxdii ayaga ka horeysay oo lacagihii oo dhan ay bangiyo ku shubteen taasina ay keentay in wax lacaga oo socda la arki waayo?
Waxaa kaloo jirta in qof kasta oo shaqaale ah bishiina wax suga uu ka walwal badan yahay qofka aan shaqayn maxaa yeelay qofaan shaqayn cidi wax waydiin mayso laakiin asaga dad badan ayaa fiirsanaya oo bishu markay dhamaato soo wacaya.

Mohamed Deik Tako