Erayga Hanti guud markii aan
micno ahaan u sheegno waa wax kasta oo shacabka ka dhexeeya oo cidna aysan
gooni u lahayn hantida guud waxay ku imaan kartaa in dhaqaale dowladeed lagu
iibiyo, hantida guud waxaa kaloo lagu samayn karaa lacagta canshuurta ah ama
dhaqaale dowladda lagu tabarucay waxaa sidoo kale hantida guud lagu heli karaa
in shacabka ay iska aruuriyaan lacag kadibna lagu sameeyo
Aaway
hantidii guud
Hanti guud oo la hawl galiyo
waxaa ugu dambeysay dowladdii militeriga ee madaxweyn Maxamed Siyaad Barre AUN wixii ka dambeeyay waxaa ku imaanayay lunsasho
iyo burbur, qaar ka mid ah guryihii inta la dumiyay ayaa birihii dhismaha
lagala baxay qaybo kale waxaa ka dhismay degaan aad u ballaaran oo shacab dagan
yahay sida xaafadda Zone K oo dhul hanti qaran ahayd laakiin mararka qaar aad
ka shakinayso aadna arkayso dhulkaas oo lakala iibsanaayo hadaad tiraah qofka
iibsanaaya miyaadan ogeyn in dhulkani uu yahay hanta guud uu kuugu jawaabayo inta
dowlad xoog leh ka dhalanayso ayaan kusii meel gaarayaa hadaba qofkaas ma rabaa
in dowlad dhalato? Jawaabtu waa maya maxaa yeelay dhul lacag iyo dhisme uu
galiyay ayuu waynayaa kuwa ayaa xafiisyo dowladdu ku shaqayn jirtay deegaan ka
dhistay oo cidi u dagan tahay ayagoo waliba intii kale ee xafiisyada ahaydna
inta kireystay bil waliba lacag ka qaata
Xarumihii wax barashada
qaarkood waa kaam barakayacayaal degenyihiin ayadoo ardaydu wax ku bartaan guri
kira ah oo lacagta bisha usii dheertahay Jaamacaddii Umadda dad ayay deegaan u
tahay xataa waa la iibiya guryeeha ayadoo waliba la ogyahay in dib loo hawl
galiyay Jamacadda Umadda
AMISOM ayana xarumaha qaar
ayay dagan tahay oo xarun ciidan u ah sida qayb ka mid ah Jaamacadda Umadda iyo
garoonkii Muqdisho ee ciyaaraha waliba
meelahaas waxaa ka socda dhismeyaal cusub taas oo rajada dib u hawl galintooda
sii adkaynaysa Wadooyinka qaar waxaa laga dhistay guryo gaar loo leeyahay
kuwaas oo dadku aysan ka war qabin ama aysan ku baraaruksanayn in meesha wado
tahay waxaa jira wadooyin waa weyn oo sida ay u socdaan guri ku go,an yahay ama
wadadu ay yaraanayso oo luuq ay isku badalayso taasi waxay dadka ku baraarugeen
markii maamulada degmooyinka ay waddooyin ka bilaabeen inay dadka ka kiciyaan,
waxaa dhacday xaafadaha qaar in guryo villo ah gabi ahaan la dumiyay taasina
waa baraarug fiican iyo wadooyinkaas dadku aysan kusoo degdegin mar kale
Yaa
waajib ka saaran yahay ilaalinta hantida guud?
Qof kasta oo Soomaali ah
caqligiisuna taam yahay waxaa waajib ka saaran yahay ilaalinta hantida guud
laakiin waxaad u malaysaa dadku inaysan ku baraarugsaneen in hantida ay wax ku
leeyihiin tusaale ahaan hadaad aragto qof laamiga qashin ama wasaq ku shubaaya
inaad dareento xumaan inay tahay, micnuhu maahan ka celi laakiin ugu yaraan
qalbiga inaad ka dhibsato arimahaasi waa kuwa ugu badan oo dadku ku kacaan
qashin gurigooda ama goobtooda ganacsi ay kasoo aruuriyeen inay laamiga
geeskiisa soo dhigaan.
Kasoo qaad adigu ma ogolaan
lahayd in qof inta xaafadiisa qashin kasoo qaado uu gurigaada gudihiisa soo dhigo
ama xataa albaabkaada hortiisa? Jawaabtu waa maya, waxaad ku andacoonaysaa
maxaad qashinka iigu soo fogeynaysaa ma god shaqin ayaan ahay ayadoo aan aragno
in daris badan ku dagaaleen arintaas darteed laakiin wali maan arag dad ku
dagaalay shaqin laamiga la dhigay dartiis hadaba
yaa muhiimsan nadaafadda wadanka iyo tan gurigaada?
Waxaa kaloo waajibka ugu wayn
uu saaran yahay dowladda oo larabo inay amarro iyo sharciyo kasoo saarto dadka
ku kacaya boobka iyo halaynta hantida guud ayada ayaa laga rabaa inay dadka
sharci darrida ku dagan xarumaha dowladda ay ka saarto haddii kalena ay
shacabka ayadu siiso loona aqoonsado dhul shacab badalkii gacan sadexaad ay u
dhexayn lahayd dowladda iyo shacabkeeda
waxaa kaloo waajib uu ka
saaran yahay ilaalinta nadaafadda dalka waa inay hawl galisaa meelo qashinka la
isugu geeyo iyo baabuurtii qashinka magaalada ka qaadi jiray iyo waliba meel
lagu soo shubo arintaasina waa aasaasi oo wax yaalo badan oo dowladdu hayso
hadda ayadaa ka muhiimsan, xataa dowladdu hadaysan usoo jeedin waxay siin
kartaa shirkad gooni loo leeyahay wayna kula xisaabtamaysaa lacagna wayka
qaadanaysaa waxna waa la qaban lahaa.
Erayadaan waanada ah ayaan jeclaystay inaan qormadayda kusoo koobo
Shacabyahow hantidaan lahayn
Hadday hareeraha daadsantahay
Oo cidina hagaajinteeda rabin
Tahay sidii hilib haad u yaal
Hawshaas qaranoo dayacan
Itaalkaad heli
karteen
Haddaad hagrataan haddaba
Aakhiray hortaada taal
Waxaad ka heshaan hadhow
Aday Aabiyo hooyaba ku dhihi
Ninkiise hanuunsanoo
Hammi fiicano ku jiro
Ilaah ma habaabiyee
Mar uun buu hananayaa
Mohamed
Deik Taako
Wixii afkaar iyo talo ah fadlan iigu soo
dir
Email:deeqaxmad15@hotmail.com